HomeUncategorized

Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo ku baaqay inaan la difaacin qof ka tirsan Al-shabaab

Burtinle, April 23- Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) oo maanta gaaray degmada Burtinle xili uu ka anbabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa xili uu furayay tababar loo qabtay in ka badan 50 qof oo isugu jira qaybaha bulshada waxaa uu soo hadal qaaday nin ku afduubnaa Garoowe oo shalay ay ku wareejiyeen Galmudug, maamulka Galmudug oo uu sheegay inaysan awood u lahayn inay soo daayaan dad ku afduuban koonfurta Gaalkacyo iyo waliba mashaariicda ka socda Burtinle.

Dowladda Ingriiska oo Midowga Afrika ka Dalbatay in la Baaro Dad shacab ah oo Ciidamada AMISOM ay ku Dileen Marka
Kooxda Kubada cagta Daljir oo casumaad u fidisay kooxo ka socda Garowe iyo Gaalkacyo.
“Wixii mudadaas hadda ka dhiman, qolada TFG-da ah …waxaan beesha caalamka kala shaqaynayaa sidii loo heli lahaa wax bedala oo xaq ku dhisan” M/weyne Faroole.

Burtinle, April 23- Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) oo maanta gaaray degmada Burtinle xili uu ka anbabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa xili uu furayay tababar loo qabtay in ka badan 50 qof oo isugu jira qaybaha bulshada waxaa uu soo hadal qaaday nin ku afduubnaa Garoowe oo shalay ay ku wareejiyeen Galmudug, maamulka Galmudug oo uu sheegay inaysan awood u lahayn inay soo daayaan dad ku afduuban koonfurta Gaalkacyo iyo waliba mashaariicda ka socda Burtinle.

Gudoomiyuhu wuxuu mar kale ku celiyay inaysan Puntland marna si fudud u sii dayn doonin nin ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo oo Puntland ay ku xukuntay dil toogasho ka dib markii ay sheegtay inay ku qabatay hub iyo waxyaabaha qarxa, isagoo sidoo kalana maamulka Galmudug ugu baaqay inay shuruud la’aan ku soo daayaan dadka dhankooda ku afduuban maadaamaa dhankooda ay shalay ku wareejiyeen wiil dhalinyaraa oo muddo ku dhaw bil afduub ahaan loogu hayay Garoowe.

Gudoomiyuhu wuxuu ku baaqay in qof Al-shabaab ah aan loo difaacin qabiil balse meel looga soo wada jeesto, maadaamaa dhibaato ay ku hayaan gobolka oo dhan iyo guud ahaan caalamka.

Mudane Qarjab, ayaa dhinaca kale hay’adaha mashaariicda ka fuliya gobolka ayuu ku booriyay inay u fiiriyaan baahiyaha iyo sida ay loogu kala mudan yahay adeegyada iyo mashaariicda ay fulinayaan.

Diiwaanka wararka daljir
Burtinle
(S)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: