Gudoomiyaha gobolka Mudug oo taageeray Jubbaland (Dhegayso)

Galkacyo, April 10, Gudoomiyaha gobolka Mudug Md Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo la hadlay warbaahinta ayaa taageeray shirka maamul u samaynta Jubbaland ee ee ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose.
?
Gudoomiyaha ayaa si weyn u bogaadiyey sida ay wax u qabsadeen dadkaasi ugana go’antahay inay maamulkoodda dhistaan sida uu hadalka u dhigay.
?
“Arimaha Jubbooyinka iyo Geddo dadka degaanadaasi dooni maayaan umad soomaaliyeed ina dhacaan dooni maayaan inay cid wax yeelaan keliya waxay doonayaan inay wax dhistaan masiirkoodana ka taliyaan taasi waa xaq Dastuuri ah oo ay leeyihiin,” ayuu yiri Md Maxamed Yusuuf Jaamac (Tigey)
?
Gudoomiyaha ayaa sheegay in arimaha Jubbaland ay yihiin kuwo xalka Soomaaliya soo dhoweynaya loona baahan yahay in la taageero.
?
Hadalka Gudoomiyaha gobolka Mudug Md Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa kusoo beegamay iyadoo shirka maamul u samaynta Jubbaland uu ka socdo magaalada Kismaayo xiligana uu galay wejigii sadexaad.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com