Gudoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlay xarigii agaasimaha Radio Gaalkacyo loo gaystay shalay.

Gaalkacyo,Dec,21 -Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa ka hadlay xarigii maalintii shalay ay ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo u gaysteen agaasimaha idaacadda Radio Gaalkacyo ee gobolka Mudug C/laahi Xirsi Cadde.

Gudoomiyaaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay xariga agaasimaha inay la xiriirto kadib markii dhaqaale badan oo ay iska lahayd idaacadda uu lunsaday agaasimaha idaacadda.

Gudoomiyaha ayaa ku dooday idaacadda Radio Gaalkacyo inay tahay idaacad dowladeed islamarkaana agaasimaha idaacadda C/laahi Xirsi Cadde aysan xilka u dhiiban dowladda,balse uu isagu howshu si iskiis ah uu u la wareegay.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa sheegay in idaacadda lagu leeyahay qarash lacageed oo gaaraya sideed kun oo doolarka Mareykanka,waxaana uu sheegay dhaqaalahaasi inay isugu jiraan adeegayada korontada,internetka iyo biyaha.

Dhinaca kale agaasimaha idaacadda Radio Gaalkacyo Cabdilaahi Xirsi Cadde oo wali ku xiran xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa dhankiisa sharci daro ku tilmaamay xariga loo gaystay,isagoona dhinaca iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay oo la xiriirta inuu lunsaday dhaqaale ay iska lahayd idaacadda.

“Idaacaddu waa mid madaxbanaan oo shacabka iska leeyihiin,xariga aan xiranahay waa mid sharci daro ah”ayuu yiri agaasimaha Radio Gaalkacyo,waxaana dhinaca kale uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago maxkamad.

Agaaasimaha idaacadda Radio Gaalkacyo Cabdulaahi Xirsi Cadde ayaa maalintii labaad ku jira xabsiga wayn ee magaalada Gaalkacyo,waxaana dhinaca kale mar kale hawada kusoo laabatay idaacadda oo maalintii shalay hawada laga saaray.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com