Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo sheegay in la isla xisaabtami doono

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  oo sheegay in la isla xisaabtami doono

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in markaste Musiibo ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamar weyne uu ahaa Mid aan la aqbali karin .

Waxaa uu xusay in Musiibooyinka ka taagan Magaalada Muqdisho looga hortagikaro in qof walba uu qabsado shaqadiisa, islamarkaana si sax ah u guto waajibaadka saaran.

“Lama aqbali karo in labo isbuuc gudahood musiibo kale nagu dhacdo, waa in si dhab la iskula xisaabtanaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com