Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Bosaaso oo Maanta la Doortay

Arbaco, September 30, 2015 (Daljir) —Waxaa maanta ka dhacday magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari doorashada duqa magaalada Bosaaso oo uu tartamay hal musharax oo kaliya , kadib markii uu tanaasulay musharaxa labaad ee la tartami lahaa oo qaadacay habka xildhibaanada lagu soo xulay.

Yaasiin Mire Maxamuud ayaa helay codadka 28- xubnood oo katirsan golaha deegaanka degmada Bosaaso oo ka kooban 29- xubnood , waxaana arintani ay tahay mid ka duwan doorashooyinkii horay uga dhacayay magaalooyinka kale Puntland, sidoo kale waxaa gudoomiye kuxigeen loo doortay Saciid Garoon oo horay xilkan usoo qabtay.

Doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro , maamulka gobolka Bari iyo nabadoono , sidoo kale waxaana doorashada gelin musharax Cumar Sidiiq oo qaadacay soo xulidda xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaaso.

Doorashada waxaa soo dhaweeyay wasiirka arimaha gudaha Puntland.

By: Maxamuud Cabdi Ibraahim

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com