HomeUncategorized

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Is-casilay

Arbaco, Oktoobar 28, 2015 (Daljir) — Gudoomiyihii barlamaanka dowladda Puntland Siciid Xasan Shire oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka uu ka deganyahay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa iskacasiley xilkii gudoomiyenimo iyo xubinimo ee barlamaanka Puntland.

Deegaanka Godod ee Mudug oo maanta lagu dagaalamay iyo nabbadoono baaq diray (Dhegeyso)
AMISOM oo sheegay in guulo waa weyn oo nabbad iyo xasilooni ah ay u horseedeen dalka Soomaaliya
Dugsiga Shaafici Boosaaso oo xalay guuleystay iyo Azhar oo bar bar dhac la galay Nawaawi Garoowe

Arbaco, Oktoobar 28, 2015 (Daljir) — Gudoomiyihii barlamaanka dowladda Puntland Siciid Xasan Shire oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka uu ka deganyahay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa iskacasiley xilkii gudoomiyenimo iyo xubinimo ee barlamaanka Puntland.

Siciid Xasan Shire gudoomiyihii hore ee barlmaanka ayaa u sababeeyey iscasilaadiisa qodobo dhowr ah oo u badnaa Mooshin ay dhowaan ka keeneen xildhibaano katirsab barlamaanka, wuxuuna sheegay in.

1. Mooshinka xildhibaanadu aysan u marin hab sharciyeysan.

2. Inaysan jirin cid hubta dhab ahaanshaha saxiixa xildhibaanada

3. In loodiidey inuu galo xarunta golaha shacabka.

4. Inuusan doonayn in dalka ay kadhacdo xaalad siyaasadeed.

5. In eedayamah lagu eedeeyey aysan xaqiiq ahayn.

Gudoomiyihii hore ee barlmaanka Puntland ayaa sheegay inuusan dalka meelna uga socon, uusana ka imaan dalka dibaddiisa oo uu ku laaban doono laakiin uu wadanka kasii shaqayn doono.

By: Abdirashiid

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: