Gudoomiyaasha Barlamaanada Jabuuti iyo DFS oo Gaaray Baladweyne

Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Goordhawd gaaray Labada Gudoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Garoonka Ugaas Khaliif oo caga dhigatay Diyaaradda wafdiga, waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle, Wasiiradii Hir-Shabeelle, Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti, kuwa Dowladda, Odoyaasha Dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo loo diyaariyey Soo dhaweynta Wafdiga.

Amniga guud ee Hiiraan ayaa maanta aad loo adkeeyay, Waxayna Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaano ka sameeeyeen Wadooyinka loogu tala galay in ay Maraan Labada Gudoomiye Baarlamaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa warbixino ka dhageysan doono Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo Safiirkooda Soomaaliya oo ku saabsan hab dhaqanka Ciidankooda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com