Gudigga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo muddo kordhin sameeyey

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa ay shaaciyeen in muddo lagu darey waqtiga loo asteeyey is diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,iyaga oo soo bandhigey Musharixiinta qaatay Shahaadada musharaxnimada Galmudug kuwaas oo kala ah.

Musharax Madaxwayne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor),Musharax Madaxwayne Cabdiraxman Axmed Sabriye.,Musharax Madaxwayne Galmudug Axmed shire Maxamed (falagle) iyo Musharax Madaxwayne Axmed Cabdullaahi Samater,sidoo kale ay isdiiwaan geliyeen 5 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Xuseen Tahliin(Calool Geel) ayaa sheegay in waqtiga isdiiwaan gelinta ay Maanta ku ekeed balse ay gaarsiiyeen ilaa 2:00 Duhurnimo ee Maalinta Berito ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in doorashada Madaxtinimada Galmudug ay ku dhaceyso waqtiga loo asteeyey oo ah 30-ka Bishaan Janaayo sanadka 2020.

Si kastaba ilaa Afar Musharax oo isbaheysi sameystay ayaa waxaa ay shaaciyeen in ilaa 5 Shuruudood oo ay soo bandhigeen aan la fulin aysan ka qeyb galeen doorashada Galmudug.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com