Gudiga xallinta khilaafaadka oo sheegay inaysan weli wax go’aan ah soo saarin.

Mogadishu, 27 November 2016 – Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed in uu socdo baaritaan ay ku hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuqmaasuqay kuraas ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka.

GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas  go’aan ka gaarin. Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa fursad uu isku difaaco.

Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo kaliya.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com