Gudiga Doorashooyinka Puntland oo kordhiyey mudada furashada Ururadda Siyaasada ee Puntland. (Dhegayso)

Garoowe, Dec 8, Bayaan kasoo baxay Xarunta Gudiga Doorashooyinka Puntland ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheeyay in ?gudigu kordhiyey muda furashada xisbiyadda.

?
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Mudane Maxamed Xasan Barre oo ka mid ahaa maxsuuliyiintii saxaafada la hadlay ayaa sheegay in guddigu uu kordhiyay mudada furashada Ururada Siyaasadeed ee Puntland kadib kulan oo maalinimadii khamiista ahayd guddigu isgu yimid islamarkaana uu xeeriyay tixgaliyayna codsiyo farabadan oo uga yimid bulshada qaybaheeda kala duwan.
?
C/risaaq Axmed Shoole oo ah xubin kamid ah gudiga ?oo Warbaahinta u akhriyey bayaan kasoo baxay gudiga Doorashooyinka Puntland ?ayaa sheegay in gudigu mudo sadex todobaad ah ku daray wakhtiga furashada xisbiyadda si fursad ?loosiiyo dadka dananaaya inay xisbiyada badan wax kafurtaan ama kaqayb galaan..
?
Bayaankan kasoo baxay gudiga Doorashooyinka Puntland ayaa kusoo beegmay xili 3 maalmood ka harsan tahay wakhtigii hore loogu cayimay furashada Ururo Siyaasadeed oo kamid ah noqda kuwa u tartamaya xisbiyadda Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com