Site icon Radio Daljir

Gudiga Doorashada Hirshabeelle,”Ciidamada Lagu Ururshey Beledweyne Nama Horjoog Sanayaan”

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa uga digey dhinacyada muacaaradka iyo cidkasta oo isku deyeysa carqaladaynta doorashada madaxweynaha Hirshabeelle inay ka digtoonaadaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in dhibaato loo geysto Xubnaha ka shaqeynaya qaban qaabada doorashada, isagoona xusay in qalalaasaha ka taagan iyo Ciidamada la geeyay baladweyne aysan saameyn ku yeeelan doonin hanaanka doorashada.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo barlamaanka maamulkaasi ay xilka ka xayuubiyeen ayaa beledweyne kaga dhawaaqay maamul cusub oo uu sheegay inuu madaxweyne kayahay.

Exit mobile version