Gudiga abaaraha heer federal oo warbixin u gudbiyey gudoonka gudiga

Muqdisho, Jan 22 2017-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa warbixin ku saabsan wax-qabadka Guddiga Abaaraha ee heer Qaran ka dhageystay xubnaha guddiga.

Mudane Carteh oo ah gudoomiyaha guddiga ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga sida ay uga shaqeynayaan u gar-gaarida dadka dhibaatyesan.

“Dedaalka aad wadaan ee ah in aan u gargaarno dadka abaaruhu saameeyeen waa mid tariikhda Soomaaliya geli doono, sidoo kale dadka Soomaaliyeed ee lacagaha idin soo gaarsiyay waxa ay noqon doonaan kuwo Alle uu unaxriisto islamarkaana lagu xasuusan doono deeqsinimo iyo Allah ka cabsi”.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa cod dheer baaq ugu diray dhammaan dadka Soomaaliyeed si ay gacan uga geystaan gar-gaargan.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaadhin gaajo u dhiman doona; Waxa aan isugu yeeri doonaa Golaha Wasiirada si ay go’aamada loo baahan yahay u gaadhaan doorkoodana ka qaataan hawlaha gargaarka ah”.

Ugu damabeyn Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa guddiga kula dar-daarmay in ay sii laba laabaan dedalkooda si loo badbaadiyo dadka abaartu saameysay.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com