Guddoonka labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Turkiga.

Guddoonka labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Turkiga.

Guddoonka Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wafdi uu Hogaaminaayey Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka Turkiga oo shalay gaaray Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Ka qeyb galay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) , guddiga saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya ee Golaha Shacabka ah ee Soomaaliya iyo guddig Arimaha Dibada ee Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi ayaa Turkiga uga Mahadceliyey Taageeradda ay Shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan sidii ay inoogu soo gurmadeen Musabadii 14 October.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isna uga mahadceliyey Dowladda Turkiga Mashaariicda Hormarineed oo ay Soomaaliya ka wadaan iyo is garab taagooda Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com