Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdixaafid: “Dadka shacabka haloo turo”

Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdixaafid: “Dadka shacabka haloo turo”

Guddoomiyihii hore gobolka Bari Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo la hadlay radio Daljir ayaa ka digay dhibaatooyin ka dhasha muranka dowladda iyo ganacsatada Puntland ee dekedda Bosaso oo dowladda ay horay ugu wareejisay shirkad fadhigeedu yahay wadanka Imaaraatka Carabta si’ay u horumariso.

Cabdixaafid ayaa sheegay labada dhinac in looga baahanyahay mar walba in la ilaaliyo ammaanka iyo dowladnimada, sidoo kalena xil la iska saaro in loo turo dadka danyarta oo ah dadka ay saamaynta ugu badan ku keeni karto sicir barar ka dhasha khilaafka dekedda Bosaso, horseedi kartana xaalad ammaan xummo.

Maxamud Cabdi Ibrahim ayuu u waramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com