Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ka baxay Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Xalay muqdisho ku geeriyooday.

“Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com