Guddoomiyihii degmada X/Jajab Axmed Sheekh Maxamuud oo u geeriyooday qarax miino oo lala beegsaday.

Muqdisho, Mar 27 – Guddoomiyihii degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir Axmed Sheekh Maxamuud \’Qoorleex\’ ayaa u geeriyooday qarax miino oo saakay lala beegsaday gaari ay saarnaayeen isaga iyo mas\’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo xilliga miinada lala eegtay marayey gudaha degmada Xamar-Jajab.

Guddoomiyaha ayaa sida la tilmaamay ku geeriyooday goobtii qaraxa lagula beegsaday, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay mas\’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir una qaabilsanaa xagga amniga, waxaana wararku ay intaasku ku darayaan dhammaanba gaarigii ay wateen in uu burburay taasi oo tusaale u ah baaxadda qaraxaasi iyo inta uu le\’ekaa.

Ururka Al-shabaab, ayaa sheegyay lahaanshaha weerarkaasi, waxayna ku hanjabeen in ay qorshaynayaan weeraro noocaas oo kale ah oo ay la beegsanayaan madax badan oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo midka dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhimashada guddoomiyaha ayaa saxaafadda waxaa u xaqiijiyey afhayeenka maamullka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Cariig, wuxuuna uu sheegay hadda in ay wadaan baaritaanno xooggan ku saabsan sidii ay wax uga ogaan lahaayeen habka qaraxaasi loo soo maleegay ama halkaasi looga suurta galiyey maadama ay tahay meel maamulka dawladdu uu ku xooggan yahay.

Ciidamada amniga ee dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa tagay goobta qaraxaasi ka dhacay laguna dilay guddoomiyihii degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir ee dawladda federaalka, waxayna xirxireen dhawr qof oo sida saraakiisha bileysku sheegeen laga shakiyey.

Sikastaba ha ahaateen ma\’ahan markii ugu horraysay oo mas\’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ama midka dawladda federaalka lagu weeraro gudaha magaalada Muqdisho, waxaana maalmahaan danbe sii kordhayey weerarada hubaysan iyo qaraxyada kala beegsanayo madaxda dawladda.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com