Site icon Radio Daljir

Guddoomiye ku xigeenkii gobalka Bari oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariiste Waxaa xalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka Guddoomiye ku xigeenkii Gobalka Bari Axmed Ciro oo u xanuunsana cudurka COVID-19.

Maalmo kahor ayaa Guddoomiyaha waxaa ku dhacay Cudurka Karoonaha isago ku sugnaa Magaaladda Bosaaso,waxaana si loola tacaalo xaaladiisa Cafimaad loo geyeey Cisbitaaladda Muqdisho,halkaas oo uu xalay ku geeriyooday.

Maamulka Gobalka bari oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Gobalka bari Cabdisamad Abwaan ayaa ka tacsiyadeyeey Geerida Gudoomiye Ciro.

Exit mobile version