Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo Kormeeray Taliska Ciidanka Asluubta Puntland.

Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Bashir Bukhaari oo kormeeray Taliska guud ee ciidanka Asluubta Puntland iyo xabsiga weyn ee caasimadda Garoowe.

Kormeerka Guddoomiyaha waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, masuuliyiin ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo masuuliyiin kale.

Muhiimadda kormeerka ayaa daaranayd ogaanshaha xaaladda maxaabiis Soomaliyeed oo ku xukuman Burcad Badeed, kuwaasi oo xidhnaa in ka badan 20 sano qaarkood xal u heliddooda. Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka ee BDFS Abshir Bukhaari ayaa kadib kormeerkaasi la hadlay warbaahinta.

“Waa dedaalaynaa dowladdana waa ku warcelinaynaa, jawaabbaan idinku soo celinaynaa, haddaba rajadaydu waxay ahayd inaad diyaaradda ila raacdaan, lakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”.

“Waan u Mahadcelinayaa Dowladda Puntland iyo hay’addaheeda garsoorkaba, dedaal muuqda ayay mujiyeen, waan idiin soo jawaabaynaa, howshiinana waa usoo noqon doonnaa” Ayuu yiri Abshir Bukhaari

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud aya xusay in Dowladda Puntland inta tabarteeda ah dedaal walba u samaysay siidaynta maxaabiista Soomaliyeed ee ku eedaysan burcad badeednimada

“Puntland waa dedaashay, haddana waa dedaalaynaa, laakiin xeerar aan laga gudbi karin baa jira” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland
Maxamuud Xasan Aw Ciise ayaa dhankiisa sheegay in xukunka 48 eedaysanayaal Burcad Badeed oo Puntland ku-xidhan yahay xaqdaro.

“Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u qareento, Puntland intii tamarteeda ah waa dedaashay, Baarlamaanka ha u qareemeen dadkaas si ay raggani cadaaladdooda u helaan” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyuhu.

Hoos ka daawo kormeerka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com