Guddoomiye Jawaari oo Xal u raadinaya Mooshinka laga soo Gudbiyeey (Akhriso)

Guddoomiye Jawaari oo Xal u raadinaya Mooshinka laga soo Gudbiyeey (Akhriso)

Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyadda Somaliya ayaa waxaa ka socda dadaalo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka Somaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu soo waramayaa inuu dhankiisa soo magacaabay Guddi ka kooban 7 Xubnood, kuwaasi oo wada hadal iyo waan waan la geli doona, Xildhibaanada Mooshinka ka soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya xubnaha Guddigaan ay la kulmi doonaan Guddi kale oo ka imaanaya dhanka Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey, si xal iyo waan waan loogu dhameeyo arrimaha Khilaafka ee taagan.

Xildhibaanada dhanka Gudoomiye Jawaari uu guddi ahaan u soo dirsaday, ayaa waxaa ay kala yihiin;

Xildhibaan Abdulkadir Osoble
Beene Beene
Xildhibaan Sacdiyo
Xildhibaan Fowsiya Shiekh
Xildhibaan Xassan Yare
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Villa Hargaysa waxa ka socda kulamo kala duwan oo lagu doonaayo xal u helida Mushkilada xasaasiga ah ee ka dhalatay Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xubnaha Guddiga 7-da xubnood ee Jawaari uu magacaabay ay la kulmi doonaan Madaxweynaha, si ay uga arrinsadaan xal u helida arrimaha taagan iyo sidii sharciga loogu kala bixi lahaa.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa walaac ka muujiyay khilaafka taagan in loo adeegsado xoog iyo awood maquunin baal marsan xeer hoosaadka iyo dastuurka, waxaana xiriiro ay la soo sameeyeen Madaxda u soo jeediyeen in khilaafka lagu xaliyo dastuurka ama wado kale oo isu tanaasul ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    KII MADOOWAA EE UGANDESKA AHAA BAA SOO TILMAAMAY MIYAA?

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com