Guddoomiye Jawaari oo Caqabad ku ah Shaqadda Barlamaanka (Akhriso)

HomeWararka

Guddoomiye Jawaari oo Caqabad ku ah Shaqadda Barlamaanka (Akhriso)

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Jawaari,waxaa laga dhigay gudoomiye golaha shacabaka xiligii madax wayne Mudane Xasan sheikh.Jawaari w

WARGELIN & DIGNIIN COVID-19
AABE IBRAAHIN | oo haystay 5caruur ah ayaa ugeeriyooday kadib markii gaadhi carogadis ah dulmaray
Madaxweynaha Sudan oo cabsi soo wajahday

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Jawaari,waxaa laga dhigay gudoomiye golaha shacabaka xiligii madax wayne Mudane Xasan sheikh.Jawaari waxa uu dalka uuga qaxay xiliyadii dagaalada sokeeye dalka Norway oo uu qaxooti ku ahaa.wadankaa norway waa dal hodan ah oo leh nidaam iyo kaladanbayn buuxda iyo hanaan dhawrida sharciga iyo xuquuqda dalka iyo dadka. waa dal qofkii fakarayaa ee wax u fiirsadaa ka koradhsan karayo waayo aragnimo hanaankooda dawladnimo ee daleed.

Gudoomiye Jawaari waxaa xilka gudoomiye loogu doortay tuhun ah in uu yahay dadka fara kutiriska ah ee kasoo shaqeeyay xiligii dalka soomaaliya uu lahaa dawlad buuxda oo shaqaysa.waxa uuna u dhawaa madaxwaynihii xiligaa dalka xukumaayay Allaah ha u naxariistee Madax wayne Maxamed siyaad bare. dalka waxa uu jawaari kasoo noqday heer wasiir.Sidaa daraadeed ayaa loo filaayay in uu yahay dawalad yaqaan wax ku biirinkara geedi socodka nabada soomaaliyeed iyo dhisida dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa.

Gudoomiye jawaari dhanka dada hada waa gabal sii dhacaya oo waa COOMIR. Xaga afka soomaaliga ee hodanka ah,ninku markuu dhaafo dada shaqada ee cimri usii saa ido lama yiraahdo oday iyo duq iyo nin wayn waayo intaaba wuu gudbay oo heerkiisu waxaa loogu yeerayaa COOMIR.

Hayeeshee hadaynu soomaali nahay,waxaynu ka haynaa COOMIR jawaari, wax cad oo aynu wax ku go aan san karayno oo ah miisaan wanaagsan oo waqti leh.Dib hadaynu u eegno baarlamaankii sagaalaad iyo shaqadiisii mudo shan sanadood ah waxaynu oganahay in dawladii madaxwaynaha uu ka ahaa Xasan sheikh,uu baarlamaankii kabixiwaayay is qabqabsi iyo is eedayn iyo mooshin uun. Dadka waxay cadeeyeen in uu shaqadii qaranku socon wayday oo halkaa ku curyaantay arinkuna kusoo koobmay,lacag uruursasho iyo u adeegid dano shisheeye.

Gudoomiyaha waxaa laga rabaa in uu ilaaliyo had iyo jeer sharciga iyo shaqada oo la dardar galiyo lagana dhawro dib u dhac.Waxaa lacadeeyay in Gudoomiyuhu hawshii xukuumada usoo gudbisay,iyo hindiyo sharciyeed kasta uu falayshoodii hoos dhigto oo uusan ugudbin golaha sharci dajinta oo ah baarlaamanka ama golaha shacabka. dawladii xasan sheekh waxaa gudoomiyaha uu ku milmay madaxtooyada taasoo keentay in dalkii dhaqaaqi waayo xiligiina ku dhamaado iyadoon dalkii wax shaqa ah loo qaban oo hormar ah,balse hog laga sii tuuray oo lagaliyay heer qaranimadii iyo madax banaanidii dalku shisheeye gacan u gasho.

Wax umada soomaaliyeed ay ku lexlo jeclaysataa oo wax qabad ah majirto oo laga hayo jawaari. mana aha nin shaqadan ku cusub iyo baarlaamanka hada jira dalkeena,horuu usoo shaqeeyay.waxaa cadaan ah in ay khalad ahayd in uu soo laabto oo dib loo doorto jawaari,maadaama uu curyaamiyay dawladii hore. Hadaba soomaalida bisayl la aanteeda aysan kala saari karin hanaanka shaqo ee qofka laga rabo iyo qiimaynta iyo qadarinta da ahaaneed ee qofka wayni leeyahay dhaqan keena marka loo eego. maxaayeelay dadka waa wayn waynu xush maynaa oo qadarinaa.

Hadaba inagoon ka tagayn ixtiraamka dada,ayaa hadana ay waajibtahay in aynu ilaalino xaqa shaqada iyo masuuliyada qofka saaran ee dadka iyo dalku kuleeyihiin,una dhiibteen oo ku aamineen. suaashaa ah shaqadiisii maksoo dhalaalay? Kursiga gudoomiye malaha jawaari iyo nin kale toona soomaali ayaa leh nin kii loo doortaana waa in uu ushaqeeyaa wixii loogu doortay oo ah danta dadka iyo dalka iyo diinta in uu dhawro. haduu shaqadiisii gabo waa la tuurayaa mid shaqeeya ayaana imanaya.meesha waxa larabaa waa shaqo. maha qabiil iyo shaqsi iyo gobo midna.

Marhadii dawladii hore iyo baarlamaankii hore uu soo hoojiyay oo caqabad ahaa,hadana uu kan ku noqday xujo laga wadi waayay hawlihii dawlada iyo qaranka hade dalku sharci buu leeyahay waa in xilka laga qaadaa waana waajib.dalka soomaaliya oo maanta hormar iyo nidaam dawladeed cagta saaray,cidii wali ku mashquulsan ciryaamin iyo shisheeye loo adeego oo caqligoodii dhaaf sanayn shilimaan lasiiyo dalkaan kama sii mid ahaan karaan.

Dadka soomaaliyeed iyo baarlamaanka soomaaliya iyo dawalda soomaaliyeed oo dhan maha in lagu mashquulo shaqsi shaqadiisii gudan waayay oo labadalayo.waxaan u baahanahay shaqo amaanka dalka,dhaqaalaha dalka,dib u heshiisiinta iyo hormarka dawladnimo in lasii xoojiyo.shaqada dhibmalaha kolba ninbaa imanaya,xataa haduu shaqadiisa qofku kasoo baxo marwalba geed meesha ka baxay maha xili buuleeyahay uu katagayo isagoo fiican oo hawlkar ah. mid aan shaqaysanayn lama dhawran karayo.

Maanta midabkoodii runta ahaa ayaa soobaxay kuwa dawlad diidka ah,maxaayeelay intaa hada garabtaagan jawaare ee dhawrka ahi waxay ka shaqeeyaan qaabkasta oo ay ku curyaamin karaan in dalka sooamaliya aysan ka dhalan dawlad shaqaysa. kuwo horaynu ulasoconay dhaqdhaqaaqooda oo waaba la ogaa,kuwo inoo dhuumanaayay ayaa illaahay inatusay oo agtaan jawaari.

Waxaa waajib ah in gudoomiye la doorto u shaqeeya danaha umada soomaaliyeed oo daacad u ah shaqda kana soo dhalaala. COOMIRKU lacagtiisa hawlgabnimo haka qaato labada dhinacba NORWEY IYO SOMAALIYA. Haduu dalka ka dayn waayo fawdada iyo iska horkeenka iyo burburinta oo uu waxaa xilkaleh kusii jiro waa in maxkamad la taagaa oo sharciga la marsiiyaa ileen dawlad iyo dal jiraynu nahayee.waxaan ka gaabsaday in aan banaanka keeno arimihiisa hoose intaan ka ogahay oo aan hayo qoraal maqal iyo muuqaalba.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: