Guddoomiye Jawaari oo beeniyaay inuu is Casilay (dhegayso)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho , wuxuuna shirkiisa kaga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin Mooshinka isaga ka dhanka ah, Ciidamada la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay Guddoomiye (Jawaari) inuu dhamaaday khilaafkii keenay Mooshinka, wuxuuna tilmaamay inuu jiro Mooshinka, uuna codsanayo in 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay muranka siyaasadeed inuu cuuryaamiyay howlaha Dowladda, maadaama Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay ku mashquuleen Mooshinka, aysanna shaqeyneyn xafiisyada Dowladda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com