Guddoomiye Cumar Filish oo ku dhawaaqay digiin ku socota Shacabka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu dhamaan dhisi doono wadooyinka burbursan ee Magaalada muqdisho.

Waxaa uu sheegay in bulshada gobolka Banaadir looga baahan yahay inay ilaaliyaan wadooyinka dib u dhiska lagu sameeyay, isla markaana aysan macquul aheyn in wadooyinka dhismahooda qarashka badan lagu bixiyay in qashin ay dadka soo dhigaan.

Bulshada ku nool Gobolka Banaadir ayuu uga digay in wadooyinka horay loo dhisay iyo kuwa Maamulka gobolka Banaadir uu dhisi doono ay qashinka dhigaan, waxaana uu ugu baaqay inay ilaaliyaan bilicda Caasimadda.

Hadalkaan ayaa duqa Muqdisho waxaa uu sheegay xilli Maanta uu dhagax dhigay dib u dhis lagu sameeynayo wadada Jubbada Sare oo Xiriirisa inta u dhexeysa Ex Hotel Jubba iyo 4-ta Jardiino.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com