Guddoomiye Cirro, Waddani: “Muuse Biixi Cabdi waxa uu qayb ka yahay shirqoolka iyo dhagarta Kulmiye u maleegay shacbiga Somaliland” (daawo)

Guddoomiye Cirro, Waddani: “Muuse Biixi Cabdi waxa uu qayb ka yahay shirqoolka iyo dhagarta Kulmiye u maleegay shacbiga Somaliland” (daawo)

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ka hadlay heshiiskii dekadda Berbera oo dowladda Imaaraadka ay shalay sheegtay in uu ahaa heshiis ay horay ula gashay xukuumadihii hore ee DF Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Anwar Garqaash, ayaa shalay sheegay in ay taageersanyihiin midnimada Soomaaliya oo aysan marnaba taagersaneyn gooni-isutaagga Somaliland, asaga oo ku darey, “Safaarad iyo qunsul toona kuma lihin Somaliland, mana taageersanin gooni-isutaagooda.”

Cabdiraxmaan Cirro oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliland, Axmed Siilaanyo, uu galay khiyaano qaran uu ku muteysan karo in Maxkamada la horgeeyo. Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa asna qayb ka ah shirqoolka, khayaanada iyo dhagarta loo maleegay Somaliland, ayuu ku daray Guddoomiye Cirro.

Cirro oo hadalka sii wata waxa uu yiri, heshiisku waa mid uu “maxadweyne Siilaanyo ku qiyaamay calankiisii iyo ciiddiisii, ayna ka beensheegeen in Soomaaliland ay heshiiska gashay.”

Hoos ka daawo:

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com