Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi baaris u saaray buuqii ka dhashay kulankii lagu ansixiyay Xukuumadda

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi baaris u saaray buuqii ka dhashay kulankii lagu ansixiyay Xukuumadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kaso talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa xilli ay socotay ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhacdada ayaa aheyd gacan ka hadal dhexmaray Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka, kuwaas oo isku khilaafsanaa habka loo marayo ansixinta Xukuumadda.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 5 Xubnood, waxaana laga sugayaa shaqooyinka kala ah.

Xog aruurinta iyo Wareysiga Xubnaha Golaha Shacabka ee xaadir ku ahaa kulanka iyo cid kasta oo Maalintii Axadda aheyd goobta kulanka ee Villa Hargeysa ku sugneyd.

Diyaarinta Warbixin dhameystiran oo aadan natiijada kasoo baxda xog aruurinta iyo talo soo jeedinta Guddiga taasi oo uu guddiga kusoo celinyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn xoghayaha Golaha Shacabka ayaa waxaa la faray in wixii tasiilaad ah oo ay guddiga u baahdaan in loo fududeeyo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com