Guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland oo Shir looga Furay Addis Ababa

Isniin, May 25, 2015 (Daljir) — Xubno katirsan gudoomiyayaasha degmooyinka Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kasocda wasaaradda maaliyadda ee dowladda Puntland ayaa saaka waxaa magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Itoobiya uga furmay shir looga hadlayey horumarinta degmooyinka Puntland.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG oo ay Qaramada Midoobey ku taageerto dowladda Puntland, iyo waxyaabihii uqabsoomay golayaasha degmooyinka Puntland 2014-2015.

Dhanka kalena shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii kor loogu qaadilahaa qorshayaasha degmooyinka Puntland 2015-2016, waxaana lafilayaa inay kasoo baxaan qorshayaal muhiim ah oo qayb ka noqon doona horumarka Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com