Guddoomiyaha Saxda Ahaa,Waqtigiisi saxda ahaa & Goobta Saxda ahayd (Maqaal)

Guddoomiyaha Saxda Ahaa,Waqtigiisi saxda ahaa & Goobta Saxda ahayd (Maqaal)

Uguhorayn waxaan mahad u celinaynaa midka iska leh mahad oo dhan,oo hadaynu umahad celino iyo hadaynaan umahad celinba isagu mahad san marwalba,waana illaahii ina abuuray oo aynu nahay adoomadiisa.Intaa kadib waxaan u mahad celinaynaa anagoo ah shacab soomaaliyeed,baar lamaanka dalkeena oo muu jiyay dhacdo taariikhi ah oo sare u qaaday magaca dalkeena iyo dawladnimadeena.

Hadaan hogo tusaaleeyo,dulucda weedhaydan,waxaa dalkeena guduhiisa iyo dibadiisaba laga daawanaayay,habsami usocodka doorashada gudoomiyaha golaha shacabka.waxaa dadka soomaaliyeed aad ugu farxeen kuna laab qabawsadeen,nidaamka leh xurmada iyo kala danbaynta anshaxa iyo asluubta saraysa ee ay isu agaasimeen,tanoo sidagan xubin kastaa codkeeda sanduuq dhex yaal ah uugu dooratay qofkay rabtay mu sharixiinta.ma dhicin is ciriiri,fawdo,iyo qaylo ama sawaxan sidii waayo dhici jirtay!.

Wiilal dhalin yaro ah iyo gabdho soomaaliyeed una carbisan hufida iyo hagadi nidaamka doorasho ayaa kala horaayay xubnaha baarlamaanka,iyadoo khubarada iyo jilib culus duljoogto ka ahaayeen habka hawshu u socoto.tani waa ilbaxnimo iyo bisayl ay gaareen baarlamaanka umada soomaaliyeed. waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad is qadarin iyo wada jir buuxa.Tani waxay faraxd weyn galinaysaa shacab waynaha soomaaliyeed,waxay na tusaysaa mustaqbal cad karaamo iyo dawladnimo buuxda oo hana qaaday. waxaad ku mahad santihiin sidaad isu maa musheen laga bilaabo cod dhiibasho ilaa aad soo saarteen Gudoomiyihii nasiibka u yeeshay kursigaas idinkoo ku soo gunaanaday sharaf taasoo dawladaha caalamka ee idin daawanaayay aad cashar u dhigteen ah in soomaalidu u bisi shahay nidaamka dawladnimada iyo dimuqraadiyada,maxaa yeelay dhaqanka soomaaliyeed ayaaba ah dimuqraadi iyo is xurmayn.

Nidaamka aat samayseen maanta oo ahayd 30.4.2018 waa taariikh qiimo weyn reebtay.Taasi waa habkii iyo dimuqraadiyadii aad hawsha ufuliseen.Waxaa xusid mudan in maanta ay soomaaliya garatay danta dalka dadka iyo diinta oo ah in aan soo ceshano karaamadeenii iyo dawladnimadeenii,si aynu fursad uugu helo in aan dalkeena difaacano,dhan walba cir bad iyo bari intaba.inagoo mudo dheer soo ahayn dal ay la dageen dagaalo sokeeye kaasoo ay ka faa iidaysteen danleey shisheeye oo ina dhex galay dadkeeniina kala qayb qaybiyay,ka dhigay kooxo diineedyo been ah,kooxo dagaal oogayaal ah,kooxo dawalad diid ah,kooxo citiraaf leey ah,kooxo xaaraan quutayaal ah,iyo qaar kaloo badan.

adaba baarlamaanka soomaaliyeed ee badankiisu yahay wadaniyiin,waxay maanta inoo dooreen iyadoo laga duulayo marxalada dalkeenu maraayo,Guudoomiyihii uugu mudnaa taasoo macnaheedu yahay waxay doorteen ninkii saxda ahaa goobtii saxda ahayd iyo goortii saxda ahayd.halkan waxaa kacad baarlamaanka soomaaliyeed,waxaa ka go an in ay meel iska dhigaan wax kasta oo kale oo soomaalida dhexdeeda ah,balse ay usoo jeed sadaan in dhidibada loo aaso dawlad soomaaliyeed oo dalka hanata guud ahaan. In dalkeena laga sifeeyo kooxa kala duwan ee shisheeye u shaqeeya ee hortaagan dawladnimada iyo nabad galyada dalkeena hooyo.

Waxaa baaralamaanka soomaaliyeed ka go an in uugu horayn dalka cagaha loo dhigo oo lanoqdo dawlad,markaas kadib ayaa layska celin karaa shisheeye iyo dawladaha dulmiga inagu haya iyo isticmaarsiga,markaa kadib ayaa inoo banaan in aan xaragoono oo kursi raadin iyo madaxtinimo kala riix riixanaa,laakiin maanta inagoon ahayn dawlad dalkeedii hantayba inooma banaana jago iyo kursi iyo siyaaso ku loolankeed.Arimahan ayay fahmeen baarlamaanka soomaaliyeed ee leh sharafka badan. dalkeenu waxa uu leeyahay cadaw inagu haysta oo hada horor inagu ah oo badeenii iyo dakada heenii dhacaya maalin cad.waxaad ku mahad santihiin geesinimadiina iyo xaniin yaha aad la soo baxdeen ee aad ku difaacdeen dalkeena,anagoo ah shacabkii soomaaliyeed waa idiin mahad celinaynaa guulaysta.

Gudoomiyaheena cusub,maxamed Mursal waa nin rabi u qadaray mansabkaas in uu helo,waa nin kahorna illaahay siiyay madaxtinimo oo ahaa wasiirka gashaan dhiga,ahaa safiir iyo xililkalaba.Tani waa siin rabbi iyo qadar isaga lasiiyay oo cid hor istaagi kartaa jirin.allaah ayaa bixiya saldanada ciduu doono ayuuna siiyaa. Gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliyeed maxamed waa nin leh iimaan,waa nin geesi ah,waa nin wadani ah,waa nin soomaali ah,waa nin mutacalim ah oo leh aqoon sare,waxa uu kasoo jeedaa qoys aqoon leh ehlu diin ah oo akhlaaq sare leh,waa nin u tafa xaytay in dalkiisa uu samato bixiyo oo kasaaro halkuu yaalo maanta,si caruurta soomaaliyeed u helaan waxay xaqa u leeyihiin oo ah nabad iyo nolol.

Gudoomiyaha golaha shacabku waa hogaamiye dhab ah,waa nin ay jecel yihiin shacabka soomaaliyeed guud ahaan iyo golaha baarlamaanka ee aqlabiyada ku doortayba.waxaa laynaga rabaa hadaynu nahay umada soomaaliyeed ee dalkaan iska leh in aynu la garab istaagno hiil iyo taageero buuxda.waxaan leeyahay hanbalyo illaahay hakuu fududeeyo halgankaaga wadaniyadeed ee aad dalkeena uugu shaqaynaysid.waxaan kuugu ducaynaynaa in illahaay kusiiyo gacanta saraysa xaqana ku waafajiyo cadawgaagana huf iyo hal aan jirin illaahay kayeelo. waxaad ogaataa in wadaniga soomaaliyeed garbahaaga taagan yihiin oo aad guulaysanayso. hadafkeenuna waa dawladnimo sharaf nabad iyo nolol in aan ku noolaano dalkeena.

Gunaanad qofkastoo soomaaliyeed sadex ha difaacdo hadii kale noloshaadu qiimo malaha meela gaari maysid

1.Diinteenu waa islaam suni ah diifaaco iyadaa kugu filan ee,iska iloow firqo firqo iyo kala qayb sanaan

2. Dadkeenu waxaynu nahay soomaali difaaco soomaalinimadaada,iska iloow reer hebal,jifo heblaayo,iyo kala qaybsanaan,gobolaysi intaba. waxaa kugu filan waxaan ahay soomaali.

3.Dalkeenu waa soomaaliya kugu filan iska diid kala qaybin iyo kala goo goyn dalkeena,difaaco midnimadaada

Adeer dheh diintaydu waa islaam suni ah,dadkaygu waa soomaali,dalkayguna waa soomaaliya ninkii isku daya in intaan kaa leexiyo oo ku guumaysto iska diid,is xoree kabax guumaysiga iyo adoonsiga maskaxda lagaa qabsaday.kufaan dalkaaga iyo dadkaaga iyo diintaada. is hubso xormatahay? yaa kaa dhaadhiciyay qabiilka fakar iswaydii? muxuu qabiil inoo taray? is baar is hubso dib isu baro yaatahay?

Tusaale aad uugu fiirso markaad tahay reer hebal dawlad reer kaliya ma noqdo! laakiin markaad tiraahdo waxaan ahay soomaali hade soomaali dawlad weeye,markaa ogoow isticmaarsi ayaa kaa dhigaya reer hebel si aadan u noqon dawlad.

Markaad sheegato firqo sida qaadiriya,ama itixaad meel magaaraysid firqo yar unbaad tahay,laakiin markaad tahay muslim suni ah waxaad helaysaa awood badan iyo dadbadan,isticmaarsigaa ku leh sheego firqo yar si aadan waligaa u noqon awood jirta.

Puntland ayaan ahay,somaliland ayaan ahay,hirshabeele,koonfurgalbeed,galmudug ayaan ahay,kala qoqob kaa shisheeyaha ayaa ka macaashaya iyo isticmaarsiga si laguu gumaysto,oo dan u yeelan dhaqaale midaysan,xoog midaysan,siyaaso midaysan,waxaa ka fiican dalkayaga waa hal ninkii dan naga leh hal irid haka soo galo oo kaliya,oo ah waxaanu nahay SOOMAALIYA. yaa ku kala qaybinaya oo kuu diidan in aad ahaato waxaa tahay oo ah soomaaliya? Adeer dhulka soomaaliya waa mid qura,dadka iska leh waa SOOMAALI lamana kala qaadi karo.

W/Q Yuusuf Cumar

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com