Guddoomiyaha ONLF Maadey oo Jigjiga lagu soodhaweeyey kana warbixiyey doorashada Itoobiya

Guddoomiyaha Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO | ONLF) Mudane Cabdiraxmaan Sheekh MAADEY oo ka soo kicitamay caasimada dalka itoobiya ee Addis Ababa ayaa shalay si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga.

Guddoomiyaha oo ka soo dagey garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal oo ka warbixinaya doorashada soo foolleh ee Itoobiya ayaa sheegay in dooradashada dhawaan ka dhici doonta guud ahaanba dalka Itoobiya uu ku guulaysan doono xisbiga EPP, lagana guuleysan doona kuwa xoogga isbidaya.

Ururka ONLF iyo kan Dowlad Deegaanka ee Xisbiga Dimuquraadiyadda Soomaalida (XDS) ayaa labaduba ku biiray xisbiga cusub ee EPP uuna aasaasay RW Abiy Axmed. Saas oo ay tahay, haddana labada xisbi ee Dowlad Deegaanku isku aragti kama aha siyaasadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, waana laba xisbi oo si adag isugu haya siyaasadda deegaanka.

Guddoomiye Maadey oo ka hadlaya arrintii ka dhacday magaalada Jigjiga ee xuskii ciidda qowmiyadda Axmaarada Kiristaanka ee saddex maalmood dabaaldadgeeda magaaladu u kala xidhnayd ayaa ku tilmaamay dhoolotus siyaasadeed oo ay samaynayeen dad dano gaar ah iyo kuwa siyaasadeed Dowlad Deegaanka ka leh.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com