Guddoomiyaha Kowaad ee Golaha Shacabka oo Baaq u diray Xildhibanaada Somaaliya

Guddoomiyaha Kowaad ee Golaha Shacabka oo Baaq u diray Xildhibanaada Somaaliya

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Soomaaliya sidoo kalena ah ku simaha guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa xildhibaannada dalka ka maqan ugu baaqay in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

C/Wali Sheekh Muudeey ayaa sheegay in mooshin aan lagu talagalin uu horyaallo golaha shacabka Soomaaliya sidaas darteedna ay si deg deg ah ugu soo laabtaan kulanka Baarlamaanka.

Guddoomiye Muudeey ma sheegin xilliga uu furmayo Baarlamaanka Golaha shacabka ee uu ugu horreeyo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in si waafaqsan xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Dastuurka dalka ay u gutaan shaqada iyo waliba mooshinka,waxaa kale oo uu ugu baaqay in ay meesha ka saaraan nin jecleysiga islamarkaana ay fiiriyaan kaliya sharafta xildhibaanka uu leeyahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com