Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Xaaf

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Yuusuf Garaad Cumar oo maalmahan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la kulmay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo weli ku adkeysanaya inuu yahay Madaxweynaha Galmudug, isagoo horay u qaadacay doorashadii Dhuusamareeb ee lagu doortay Axmed Qoorqoor.

Labada dhinac ayaa ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo dadaalada la doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee Galmudug ka taagan iyo sidii looga shaqeyn lahaa danta deegaanada Galmudug.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal kooban uu uu bartiisa soo dhigay ku sheegay inuu sallaan ugu tagay hoygiisa Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf,

“Gurigiisa Gaalkacyo ayaa salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka, xushmad weyn iyo qaddarin ayuu ka mudan yahay Galmudug, Federaal iyo Soomaali oo dhan”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa socday dadaalo la doonayay sidii Madaxweyne Xaaf looga soo qeyb gelin lahaa xaflada caleema saarka, laguna qanciyo si uu xilka ugu wareejiyo Axmed Qoorqoor, waxaana la sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshahaas.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com