Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Guddoomihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh.Aadan Madoobe ayaa Fasax afar maalmood ah siiyey xildhibaannada isaga oo sheegey in khilaafka ka taagan kuraasta Gedona uu xallin doono.

“Koox gaar ah lama socdo, wixii annaga naga horreeyeyna shaqo kuma lihin wixii maanta ka bilow waxyaabaha yaryar ee jira si cadalaad ah ayaan u xallin doonaa” – Aadan Madoobe.

Buuq ayaa ka dhashay maanta golaha Shacabka markii ay gudaha u soo galeen xarunta golaha Shacabka Xildhibaanadii laga soo doortay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com