Site icon Radio Daljir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu hambalyeeyey dhallinyarada Soomaaliyeed Maalinta SYL ee 15 May

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan xuska May 15 Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan sanad-guurada 79-aad ee aas-aaskii Golahii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) u diray dhallinyarada guud ahaan.
Dhallinyaradii SYL waxay naf, maal iyo maskaxba u soo hureen xorriyadda dalkeena.
Guddoomiyaha ayaa yiri, “Maanta waxay ku suntan tahay maalin taariikhi ah, halgan iyo dadaal loo soo maray dadkeenna iyo dalkeenaba, waxaan dhalinyarada Somaaaliyeed u rajeynaa guul meel walba ay joogaan”

Exit mobile version