Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga gurmadka abaaraha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga gurmadka abaaraha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha, kulanka oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa Abaaraha soo-noq noqday.

Gudiga abaaraha oo ayaa guddoomiyaha ka codsadeen in lagu waraajiyo qaybtii Baarlamaanka BJFS abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday si wax loogu qabto dadka tabaaleysan kuwaas oo ku kala nool qeybo ka mid gobolada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Gudigga Abaaraha ayaa u ballan qaadey sii xoojinta garab istaagga dar-dar gelinta shaqada baaxada leh ee u taala Ergeyga iyo gudigga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ballan qaadey in beri lagu wareejin doono lacagihii Baarlamaanka horey u ballanqaadey ee qaybta ka ahaa lacagihii ka soo xaroodey Murashaxiinta Madaxwaynaha JFS.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com