Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo todobaadyadii la soo dhgaafay ku maqnaa dalka dibadiisa.

Guddoomiyaha oo safar Shaqo ku tagay dalalka Jordan iyo Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Dib ugu soo laabashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo in 16 Bishaan oo ku beegan Maalinta sabtida ah in uu furmo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo lagu waday in uu furmo 10-kii Bishaan balse uu dib u dhacay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com