Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS oo gaaray Purkina Faso

HomeWararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS oo gaaray Purkina Faso

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Dalka Purkina Faso waxaa Garoo

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Wasiirkii xilka laga qaaday Xasan Xundubey oo xilwareejita ku tilmaamay mid afduub ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Dalka Purkina Faso waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Purkina faso kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dalkan oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Purkina Faso iyo xubno kale oo Baarlamaanka Dalkaasi ka tirsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda Dalka Purkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka ee dalkan uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joogaan kaga geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalkan Purkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dalka Purkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: