Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Cafimaad dhinaca ah u qaaday Gabar lagu dhawacay Puntland (dhegayso)

HomeWararka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Cafimaad dhinaca ah u qaaday Gabar lagu dhawacay Puntland (dhegayso)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa Caafimaad dalka dibadiisa ah u qaaday Gabar lagu Magacaabo Faa’izo oo uu wax

Soomaalida ka ganacsata K/Afrika oo lagu eryanayo wadooyinka (dhegayso)
Shir jaraa’id iyo talo soojeedin Gaas & Cumar
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa Caafimaad dalka dibadiisa ah u qaaday Gabar lagu Magacaabo Faa’izo oo uu waxyeeleyay Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Badda Puntland.

Faa’iza ayaa Askariga la sheegay in uu ku dayay fal kufis ah balse ay iska difaacday taas oo keentay in uu rasaas kaga dhufto qeybta hoose ee jirkeeda xili ay ku sugeyd Magaalada Boosaaso.

Maanta ayaa ugu dambeyn waxa loo qaaday Caafimaad dalka turkiga ah oo uu gacan weyn ka geystay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed isaga oo ku sii sagootiyay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho iyada oo ay wehlinayeen Hooyadeed iyo Aabaheed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Faa’iza asyan wanagsaneyn in ay xiligaan soo gaartay balse uu raheynayo in lageyn doono Isbitaalka ugu wanagsan Ummadda Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay u soo duceeyaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: