Guddoomiyaha G/banaadir oo Isbitaalka Digfeer ku booqday Gabar Xaaladeeda Caafimaad dalka wax looga qaban waayey

Guddoomiyaha G/banaadir oo Isbitaalka Digfeer ku booqday Gabar Xaaladeeda Caafimaad dalka wax looga qaban waayey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka, ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Iiimaan C/raxmaan oo ah Gabar laga keenay Magaaladda Gaalkacyo, islamarkaana la xanuunsan Kansarka Dhuuxa ku dhaca.

Guddoomiyaha Gobolka, ayaa waxa uu qeylo-dhaan u sameeyey shacabka gobolka Banaadir ku nool, isaggoo u weydiiyey yabooh dhiig nooca B oo xaqiiqdii ah mid dadka noocaas ah ay yar yihiin iyo yabooh dhaqaale, si waddanka Turkiga loogu daweeyo Iiimaan C/raxmaan.

Lagacta lagu daweynayo Iimaan ayaa waxaa lagu qiyaasay ilaa $250,000, Waxaana dadka Soomaaliyeed ilaa hadda ay u ururiyeen $106,000.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com