Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF oo lagu soodhaweeyey Qabri Dahar & Dhagaxbuur

Guddoomiyaha cusub ee Ururka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), Md. Cabdiraxmaan Maxamed Shiikh Maadeey, oo maanta booqasho ku soo maray magaalada QABRI DAHAR ee gobolka QORRAXEY ayaa waxaa kale oo lagu soodhawaayey magaalada DHAGAXBUUR ee gobolka JARAR.

Guddoomiyaha iyo waftiga uu horkacayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu sidoo kale socdaal ku mari doono deegaano badan oo kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Waa markii ugu horreysay taariikhda Itoobiya oo deegaanka Soomaalida laga yagleelo urur siyaasadeed u taagan danaha bulshada deegaanka, u dooda hormarkooda iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta. Ururka ONLF ayaa hore u ahaa jabhad hubeysan oo dagaal hubeysan ku haysay dowladda Itoobiya. Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa jabhadda ONLF la galay heshiis mirihiisu ahaayeen in ay hubka dhigaan, deegaankana dhanka siyaasadda ka matalaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com