Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xilkii la wareegay

Waxaa maanta kadhacday xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho munaasabad wayn oo ay xilka ku kala wareegayeen guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo guddoomiyaha cusub Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Munaasabadda ayaa waxaa kaqaybgalay xldhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiye kuxigeenada baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka ayaa ku amaanay guddoomiyihii hore inuu soo shaqeeyey xilli aad u adag oo ay baarlamaanku wajahayeen caqabado adag, isagoona intaasi kudaray inuu talooyin ka qaadan doono, islamar ahaantaana uu waxqabad la taaban karro ka dhalin doono guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xilkii la wareegay”

  1. Nuurkanederland

    CALOOSHOODA BAY METELAAN KUWAANI.
    SHACABKANA MA METELAAN.
    WAANA KUWA SHACABKA U JEBIYEY GUMAUSTAYASHA XERADA XALANE FADHIYA.

U Jawaab Nuurkanederland Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com