Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Qatar

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Qatar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dowladda Qatar.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Ergeyga dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani kaga mahad celiyay booqasho sharafeedka uu ugu yimid, waxaana Kulanka guddoomiyaha ku wehlinaayay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka C/kariim Xaaji Cabdi (Buux).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com