Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo furay Kalfadhigii 5aad ee Barlamanka Konfur Galbeed (dhegayso)

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo furay Kalfadhigii 5aad ee Barlamanka Konfur Galbeed (dhegayso)

Maanta oo Isniin waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmay kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Furitaanka kal-fadhiga ayaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo shalay gaaray Magalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Somalia ayaa warbixin ka dhageystay Masuuliyiinta Iyo Odayaasha maamulka koonfur galbeed Somalia kuwaasoo ka kacodsaday dawlada federaalka inay kala shaqeyso Arimaha Amniga gaar ahaa furitaanka wadada isku xirta muqdisho iyo baydhabo oo dhibaatooyin Amniga la xiriira ay ka dhacaan iyo sidoo kale waxka qabashada arimaha Abaaraha ee deegaanadaas kusoo noqnoqda.

Hadaba xildhibaan Maxamed cumar dalxa oo kamid ah mudanayaasha la socda gudoomiyaha golaha shacabka ayaan ka wareysanay arimahaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com