Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo Baydhabo ku wajahan

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in dib udhac uu shalay ku yimid war-murtiyeedka shirka Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Baydhaba.

Madaxda Maamul Goboleedyada oo shirkaan u ahaa kii labaad oo ay isugu tagaan tan iyo Markii ay ku dhawaaqeen Madasha ay ku mideysan yihiin oo la dhisay sanadkii hore 2017-kii,ayaa waxaa ay ku tilmaameen mid ka aragti duwan dowladda Soomaaliya.

Qorshaha ayaa shalay ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed la xiriira waxyaabaha ay Madaxda Maamul Goboleedyada ay kawada hadleen ama ay isla meel dhigeen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in uu gaaro Magaalada Baydhabo, kulamo gaar-gaar ahna uu la qaato Madaxda Shanta Maamul Goboleed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com