Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo kulan la qaatay Masuuliyiina Daladda PUNSAA

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo kulan la qaatay Masuuliyiina Daladda PUNSAA

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa kulan la qaatay Daladda ay ku midaysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA

Ururada Bulshada rayidka ee PUNSAA ayaa Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uga mahad-celiyey soo af-jaridda kala aragti duwanaanta maamul iyo shaqo ee u dhexeysay Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland & Daladda ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wakiillada DPL & Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa uga mahadceliyey booqashada ay xarunta Golaha ku yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah, waxayna balanqaadeen inay markasta soo dhaweynayaan talooyinkooda ku aadan maslaxadda dalka & dadka Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com