Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo mooshin laga soo gudbiyeey

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo mooshin laga soo gudbiyeey

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta aqbalay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ay keeneen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Mudanayaasha oo mooshinkooda u gudbiyey guddoomiye Xareed Cali Xareed ayaa ku sababeeyey in guddoomiyaha baarlamaanka uu gabay shaqadii loo idmaday, islamarkaana ay muhiim tahay in lala xisaabtamo.

Tiradda Xildhibaanada mooshinka gudbisay oo tiradooda lagu sheegay 89 mudane ayaa waxaa mooshinka ay keeneen laga doodi doonaa maalmaha soo socda, sida uu Idaacadda Risaala u sheegay guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug.

Mooshinka ay keeneen xildhibaanada ayaa waxaa soo dadejiyay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir uu ka soo horjeestay shirkii magaalada Kismaayo ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hor yimid mooshinka laga keenay, wuxuuna tilmaamay inaanu xildhibaano aheyn xubnaha mooshinka gudbiyay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com