Site icon Radio Daljir

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee somaaliya oo la ansixiyeey (Daawo)

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen magacaabista guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha u soo jeedisay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo khibrad durugsan u leh arrimaha dhaqaalaha uu qabto xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

Magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa qeyb ka ah dib-u-dhiska hay’adaha dalka iyo nidaamka maaliyadda si loo xaqiijiyo kobaca dhaqaale ee dalka dib loogu soo dabbaalayo.

Waxaanu ilaahay uga rajeynaynaa Guddoomiya cusub in Allaah u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay.

Exit mobile version