Site icon Radio Daljir

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dhawaan la doortay oo xilka la wareegay

Munaasabad Maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa xilkii kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhawaan Golaha Wasiirada Soomaaliya ansixiyeen.

Gudodomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee waqtigiisa uu dhamaaday Bashiir Ciise Cali ayaa sirasmi ah xilka ugu wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaradad Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,waxaana uu ugu hambalyeeyey Gudodomiyaha Bangiga dhexe xilka Cusub ee loo Magacaabey.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay si dhow ula Shaqeyn doonaan Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya,isaga oo u rajeeyey guul.

Back to Home page