Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalinaya khilaafka guddiyada baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmihii lasoo dhaafay khilaaf uu kala dhaxeeyey madaxwaynaha dowladda faderaalka oo sababay mowshino inay ka yimaadaan baarlamaanka ayaa u muuqda hadda mid khilaafkii kasoo laabtay.

Guddoomiyaha ayaa hadda ku howlan inuu xaliyo khilaafka guddiyada baarlamaanka ee Soomaaliya, isagoona isugu yeeray xubnaha baarlamaanka gaar ahaana guddiga miisaaniydda ayaa waxaa uu sheegay.

 

“Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

 

Khilaafka guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxwaynaha ayaa kasoo bilaabmay kadib markii kuxigeenadiisa ay kala direen guddigii maaliyadda ee baarlamaanka maalmo kadib warbixin ay kasoo saareen musuqmaasuq ay sheegeen inuu ka jiro dowladda faderaalka ee Soomaaliya, khilaafkaasi ayaa waxaa doonayay inay ka faa’iidaystaan siyaasiyiin mucaarad ah oo qaarkood kasoo horjeeda madaxwaynaha talada haya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com