Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Mukhtaar Roobow oo musharax maadxwayne ah

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Mukhtaar Roobow oo musharax maadxwayne ah

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay hoygiisa magaalada Muqdisho kula kulmay musharaxiin u taagan doorashada madaxwaynaha ee kusoo fool leh Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore maaliyadda Maxamed Aadan Farageeti iyo Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo Al-shabaab xilal kale duwan kasoo qabtay dhowr jeer oo horena ku faanay qaraxyo lagu xasuuqay dad shacab ah oo kadhacay magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay isbadal siyaasadeed oo ka dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Muqtaar Roobow ayaa kasoo baxay Al-shabaab kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 6 years ago

    ROOBOOW WAA DANBIILE.
    HE WAS CIA, MI6.
    HE IS CRIMINAL.
    WAXAY AHAYD IN LA DELDELO AMA XABSI LAGU RIDO.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com