Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo la kulmay madax katirsan AMISOM

Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo la kulmay madax katirsan AMISOM

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la kulmay madax katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Warar ku dhowdhow ayaa sheegaya guddoomiyaha baarlamaanka inuu kala hadlay saraakiisha AMISOM sugidda ammaanka xarunta golaha shacabka oo horay guddoomiyaha ugu eedeeyey raysal wasaaraha inuu ciidamo usoo diray oo la wareegay xarunta.

Jawaari ayaa sheegay AMISOM in looga baahanyahay inay la wareegaan xarunta oo ay dhowaan ku kulmi doonaan golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa suga amaanka madaxda ugu saraysa dalka sida madaxwaynaha, raysal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana muuqanaysa kalsooni darro ay muujinnayaan madaxda sare ee dowladda kuwaasi oo aan kalsooni ku qabin ciidamada dowladda.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com