Site icon Radio Daljir

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal: “Tilaabo dastuuri bay qaadeen baarlamaanka”

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa siffo sharci ah ku tilmaamay tilaabadii baarlamaanka Galmudug uu xilka uga qaaday maadxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Isagoo kujira xabsi gurri magaalada Cadaado kadib markii lagu amray inuu hoygiisa ka bixi karin ayaa waraysi uu siiyay radio Daljir waxaa uu ku sheegay dastuurka dowladda dhexe iyo xeer hoosaadka baarlamaanka Galmudug inuu waafaqsanyahay talaabada baarlamaanka Galmudug ay xilka uga qaadeen madaxwaynihii Galmudug, kadib markii loo diiday inay ku shiraan xarunta baarlamaanka Galmudug.

Waxaa uu sheegay isaga, madaxwayne kuxigeenkii iyo guddoomiye kuxigeenkii baarlamaanka Galmudug inay kujiraan xabsi gurri sababo la xiriira go’aankii Xaaf uu ku taageeray arimaha Khaliijka oo ay ka horyimaadeen.

Halkaan ka dhegayso

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/59cb0b6c000100c76d3dc5d5/gudomiyaha+baarlamaanka+galmudug.mp3?_=1
Exit mobile version