Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Haysom.

Kulan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahayeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda kulanka ka qeyb gashay ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare iyo Habdhowraha Guud ee Golaha iyo Madax kale.

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Haysom ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho,isagoona xilka la wareegay Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *